January 12, 2013 | Posted by admin

Ganacsatada degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa ka cabanaya lacago baad ah oo ay si joogta ah uga qaadaan Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab.

Iyadoo ay si xoowli ah ku socdaan howlgalada lagu ciribtirayo malleeshiyaadka Shabaab ayaa haddana maleeshiyaadka Shabaab waxa ay bilaabeen in ay kordhiyaan cadaadiska iyo dhaca ay ku hayaan dadka ku nool deegaanada kooban oo ay wali ku harsanyihiin.

Degmada Baraawe oo ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeellada Hoose ayna wali haraadi ku yihiin maleeshiyaadka Shabaab,  ayaa kordhiyayay lacagaha baadda ah oo ay ka qaadaan ganacsatada degmada Baraawe, taas oo ay sheegeen in aysan awoodin.

Qaar ka mid ah ganacsatadaasi oo la soo xiriiray Radio Muqdisho isla markaana codsaday inaan magacyadooda la shaacin ayaa sheegay in loogu hanjabay in ciddi bixin weysa lacagahaasi ay muteysan doonto ciqaab kulul oo an la ogeyn nooca ay noqondoonto, waxeyna ka dalbadeen dowladda in ay ka xoreyso gumeysiga xad dhaafka ah oo ay shabaab ku hayaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool degmada Baraawe.

COMMENTS