February 5, 2013 | Posted by admin

Muusanoowga  Urur Beeleedka Sahal iyo Marmarsiinyaha Puntland.

Horta yaa la sugayaa? Soomaalidu maw diyaargarowdey inay is turxaanbixiso, muddaa la kulmayee  mala heshiiyey? ma laysu tanaasulay? Mise weli waxbaa noo  dhimman? Su’aalahani waa kuwo aan is weydiiyo laga yaabee Aqriste adiguna inaad is weydiiso.

Haddii la daalo, nasiino waa lama huraan.  Hadduu qof khasaarona, taxadar waa u lama huraan. Hadduu qof lumo  dal barasho iyo tilmaan raac waa u lama huraan. Haddii talo ku seegto, sixiddeedu waa lama huraan.

Maxaa iska bedelay Bulshadii Soomaaliyeed ee mudada dheer la daalaadhacaysay dhibaatooyinkii iyo aafadii dagaalladii sokeeye, ee magacyada iyo midabyada badnaa?.

Waxaa adduunka sooyaalkiisa aad ka baranaysaa qolo weliba wixii hore ugu dhacay inay ka samaysay horumar, kana dhigatey tabobar  sidii maahmaahda Soomaaiyeed odhanaysay: “Khasaaradaadu waa faa’iidaada Billowgeeda” “Talo xumo waa lagu tababartaa” Haddaba Umaddeena Soomaaliyeed ayaad mooddaa jidkii qodxaha badnaa, muddoba aan ku soo jirney, sooyaalkii qadhaadha, sahankii xumaa iyo sinsaarradii nagu dhacday, inaynaan wax ku qaaddan, oo weli u goomoon nahay, oon leenahay waxbaa noo hadhay.

Nin doqonnimo lagu xaman jirey ayaa xaabo badan soo gurtay, wuu qaadi kari waayey markaasuu intuu meel dhigay haddana mid kale dib u doontay. Waxaa ku soo baxay nin socota ah, markaasuu weydiiyey xaabada meeshuu u wado? Wuxuu u sheegay inuu ta halkaa hore taallo qaadi kari waayey oo rabo inuu  sii badsado wuxuu la yaabay garaad xumadiisa siin weyday;  war tii hore ayaad qaadi kari weydee iska dhin, ee uu mid kale la soo xamuuran yahay “Illeyn Doqonimo qiiq kama kacdee daammankay meermeerisaa!ninkaas iyo umaddeena qaarkood isu qaab ekaa!!

Haddaan usoo dego dulucda qormadeyda ayaa ah in muddooyinkan warbaahinta aad ka daalacanaysay, qaybo ka mida bulshada Soomaaliyeed oo taagan dariiqii jabhadihii ku dhisnaa beelaha 1978dii soo billowdey maanta oo ay goorta aynu joognaa tahay, 2013kii. Waxaaynu joognaa caalam la kala miirmay oo umad hagaastay oo aan Soomaali ahayni jirin, laysma weydiinayo maxaa sidan inoo galay oo diifta iyo darxumada ina baday, ee kii waxbartey iyo kii wax oggaa labadiiba Alle kuma anficine waxaay noqdeen dad aan waxba ku qaadan maalmihii madoobaa iyo meertadii la soo maray!

Aan ku horreeyo ururka SAHAL. Waa urur ay ku bahoobeen Beelo Soomaaliyeed oo dhawaan ay uga dhawaaqeen qaar ka mida qurba joogta qaxoontiga ku tagtay waddamada reer galbeedka ee ku dayacan iyaga iyo ilmahoodu. Urur beeleedkan ha la aasaaso  hana la sameeyo ma xumee,  maxaa loo sameeyey? Yaase sameeyey? Ujeedadiisu maxay tahay, aan isku soo wada duubee waa maxay SAHAL? Magaca SAHAL ayaa Kulminaya Shan beelood oo laysku yidhaahdo Daarood waana kan macnaha Ururka:

Macnaha Magaca  SAHAL:

S= Sadde Daarood (Mareexaan)

A= Absame (Ogaadeen iyo Adeerkiis)

H= Harti (Harti Daarood)

A= Awrtable

L= Laylkase

Ururkan SAHAL ayaa ah urur ku salaysan Qabyaalad iyo inuu xamaasad iyo xasarad cusub ka dhex oogo bulshada Soomaaliyeed ee 22ka sano dowlad la’aanta iyo dagaallada sokeeye daashadeen. Waxaa kaaga sii darane ragga ururkan aas aasay maaha kuwo jooga ama tagaya waddankii oo wax ka qabanaya, ee waa niman Fadhi ku dirir iyo munaafaqad la fadhiya  warbaahinta. Waxaad ka dheehanaysaa Muuqaalkooda iyo doodahooda, laba arrimood, waxaanu nahay Daarood iyo waxaa naga maqan Guryo ku yaala Muqdisho. Haddii aad shaqsiyan u weydiiso Muqdisho adigu ma Guri baad ku lahayd, aan kula raadiyee hadday wax kaa maqan yihiin? Wuxuu kaaga baxayaa, dadkuba waa lahaa iyo hebel ayaa guri lahaan jiray. Haddaad weydiiso hebelka laftiisa adeerkiis ah meeshuu ku lahaa wuxuu kuu sheegayaa intan oo Qaybood midkood:

1.African Village

2. Shiirkole

3. Bangaariya

4.Afisyoone

5.Xamar Bile (If iyo Aakhiro)

6.Caymiska

Iyo Guryo badan oo dowladdu iska lahayd shaqaalaheeda iyo hawlwadeennada dowladdu  deganaayeen. Meelaha kale nin walba waa loo yaqaan gurigiisa waxaana jooga dadkii xaafadda, xitaa isaga oo aan Garsoor marin ayaa wuxuu helayaa Markhaati haddii uu lahaa. Waxaana  Muqdisho degaanaa Soomaali oo dhan, arki maysid beel aan ahayn beelaha la baxay Magaca SAHAL Maahine, beel kale oo leh dhulbaa xoog nalooga haystaa iyo hanta baa naga maqan! “Halbaa geela cuntoo cabaadda” ayaan maqli jiray. SAHAL waa qaabkaas.

Haddaba waxaa halkan kaaga muuqata in qarnigii 21aad ay jiraan rag sheeganaya Aqoonyahan  aan idhaahdo Hal aqoon oo u fekeraya qaabkii loo fekerayey qarnigii 16aad ama 17aad ee Reer guuraaga, laysuna kaashan jiray beelaha. Hadda Jabhadihii way ka xishoodeen inay Magacooda ku ladhaan  magac beeleed iyagoo ku dhisnaa qaab beeleed ayay haddana waxay dhammaantood ku isir sheeganayeen Soomaalinimo. Ururkan ayaa ah urur had iyo gooraale, Muusanoow iyo Tolaay la dhex taagaan warbaahinta sida telefishinada waxaadna halka hoose ka Bogan kartaa qaabka uu hadlayaan ragga Hoggaanka u ah ururka SAHAL  hoos ka daawo Muuqaalka Hoose.

Waxaa sidoo kale aan dhihi karnaa waxaa maradu ka dhacday Madaxa Maamulka Puntland oo muddaba soo dhitinayey inuu kala dhantaalo midnimada umadda Somaaliyeed, ayaa markuu waayey qaab kale uu ku muujiyo dareenkiisa uguna  dhawaaqo, inuusan ku faraxsanayn hannaanka dowladeed ee ka soo bidhaamay dalka Soomaaliya,ayaa warbaahinta ka sheegay  inay Go’ayaan isaga iyo maamulkiisu kuna Darsan Doonaan Reer Somaliland waaba haddey ka aqbalaane Wuxuu yidhi halkan ka dhegayso.

RIIX: Faroole: Somaliland aanu wada hadalno oo aan heshiino laga yaabee inaan isla Go’no!

in kastoo ay Somaliland qaar ka mida Xisbiyadooda siyaasadeed jawaab ka bixiyeen Sida Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal cali waraabe halkan ka dhegayso.

Haddana Madaxa Maamulka Puntland si badheedh ah ayuu uga soo horjeestay Nidaamka maanta jira, wuxuu sheegay hamiga ku jira inuusan ahayn mid ah inay Soomaali wax la wadaagan. Mudane Faroole wax badan ayaa hadalkiisa laga dhadhansaday inaan Soomaalinimo ku jirin, waxaa ka dhex guuxayaana beel yihiin, balse tani waxay daaha ka qaadday waxii dabaqu saarnaa ee mudo daboolka la saarayey.

Magaala xeebeedka Kismaayo, oo ah Xarunta Jubbada Hoose ayaa waxaa muddooyinkan deganaa Jabhadda Raaskambooni, Maleeshiyo Beeleed  ay isku Abtirsiimo yihiin iyo Ciidamada Kenya oo wada shaqayn  gaar ahi ka dhaxayso. Ilaa iyo mudadii Jabhadani soo gashay Gobolkaas, waxaa socday olole cod dheer ah oo loogu magac daray Jubbaland! Haddana Magaca Jubbaland waaba dhul Soomaaliyeed waxaa sheegtay beel gaar ah, in kastoo ay jirto inay deegaanka beeshaasi wax ka degto haddana waxay degtaa 21% Beelaha Sade iyo Absame. Waxaa jirta muddo laga joogo 60 sano iney halkaas degaan dadyoow ka soo jeeda Gobolka Bari ee Soomaaiya. Halka  Degmada Afmadoow ay degeen dadka Reer gaarisa muddo laga Joogo 50 sano. Waxaana degan Deegaanka Jubbooyinka, Beelo Soomaaiyeed sidan ayaana loo degan yahay, eeg shaxda hoos ku qoran.

1.Beelaha Hawiye 2.Beelaha Raxanweyn 3.Beelaha Direed 4.Beelaha Shanaad 5.Beelaha Daarood
Gaaljecel Garre Biyomaal Cawra maleh Mareexaan
Shiikhaal Jiiddo Qubays Giir giir Ogaadeen
Mudulood IKK IKK Jareer Harti
Xawaadle Baajuun
Digoodi Reer xamar
Ajuuraan Carab
Madarkicis IKK
Murursade

Haddaba Aqristoow, Jubbooyinka ma beel ayaa degta mise waxa degan beelaha Soomaaliyeed oo dhan? Jubbooyinku ma Kismaayo, Afmadow iyo Badhaadhaa, mise waa deegaankaa ballaadhan? Labada Gobol ee Jubbooyinka goorma ayay gooni u yeesheen Beelaha Ku bahoobay SAHAL? Nimanka sheeganaya Jubbooyinka ee leh waxaa diidan Dowladda Soomaaliya in maamul laga sameeyo ma gar ayuu u leeyahay inuu maamul Kenya dabada ka riixaysa samaysto mise maya? Ma jiraa maanta deegaan Soomaaliyeed oo lahaanshiiyihisa iyo deganaanshihiisa Muran ka taagan yahay? “Saca naasa adag iyo warranka maxaa kulmiyey?” Jubbooyinka iyo IGAD maxaa isku maray? Maxaa Dowladda Maamulka loogala cararayaa?VMa jiraa beel kale OO deegaankeeda xoog uga qaadi kartaa? Haddii SAHAL dhul lagu haysto maxaa loogu qabsan waayey, Puntland, iyo Degmooyinka kale ee Beelaha SAHAL ku bahoobay ee ay degan yihiin? Tusaale waxaa inoogu filan duullaamadii beelaysnaa ee 1991 ee anigaa xoreystay ninna  dhul uu leeyahay cidi muran kama gelin karto.

Ugu danbayn. Waxaan leenahay SAHAL faraskaagi laga badi! Casrigii waaweray iyo tollaayeyna waa laga baxay ee  ninkii guri laga haystaa Garsoorka ha tago. Ninkii Gobol laga qaadayaana deegaanka uu ku leeyahay ha soo bandhigo. Ninkii beelnimo wax ku doonayaana, Ugaasyadiisa haw tago. Dowladda waa la wada leeyahay beel gaar ahi ma laha, hadhcad ayaana wax la qaybsaday, Xildhibaanno is le’eg, Wasiirro is le’eg iyo Saami qaybsi dhinac walba leh ayaa lagu dhisay Dowladda.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

COMMENTS
  1. gargaar jaamac said:

    Cumar adeer abwaan waxba madhaantid waxaad tahay abwaan la joog hanaga aamusine bambooyin kale ku soo tuur ooy la waashaan imminka way dawaqsanyiin waalid kood alanaar.waxaa la yidhi markii taarkhdooda dib loo raacay majeerteenka waxa dhashay naag axmaaro ah,Hartiga kale waa rag gob ah oo layaqaano hoyadood reerkay ahayd. kuwani dalka waxba kuma laha ee Ethiopia haloo caydhiyo gunta guntu dhashay Hawiyaa yaqaana sida loola dagaalo maanta ilaa qarniyadii hore ooy lahaayeen (WIIL GOOLA IYO WAXAA LAGALA HARAY GUMUC RASAASEEDE ALLOOW REER GUS DHEEROOW MAXAAD GOLO KU CEEBOOWDAY.Sayidkuna waakii lahaa DAANYEERKU MEEL ANU MARIN DANI MAJIIRSIISAY MADUQEEYAY REER BARI WUXUU DOONAYUU HELAYE.Cumaroow wanu ku sugaynaaye soo dagdag.

  2. gargaar jaamac said:

    Guryaha ay majeerteen sheeganayaan ee lagahaysto markii la waydiiyay waxay sheegeen If iyo Aakharo,Shiirkol,African Villeg,Caymiska, Kassa popolare,ku waasna waxaa lahayd dawladda dadka dagana waa kuwii dawlada u shaqayn jiray inta majeerteen ka qaxeen waxaadagan muwaadin Hawiya ah oo dhulka u dhashay adiga iyo wixii kula mid ahaana cayriyay.Majeerteen waa kansar soomaali ku yaala waana in la jaraa.waxaan leeyahay ninka qoray Gabayga Majeerteen hambalyo ALLAHA kudaayo soogali gabayadooda oo dhan dadku ha arkee.

  3. omar said:

    waxaan saxayaa sadarka ah:
    indhahiina caad baan ku rogay nuuka kaa celine.

  4. omar said:

    Anoo ah abwaan soomaaliyeed ayaan qoladaan sahal gabay u tiriyey kaas oo ah ( gabay awooti )
    Reer sahaloow caciis kaan baryee coodku idin dhaafye.
    carabkiina caaniyo karuur haw cantuugina e.
    cadaabtii ilaahay ku dhaca waad camirateene.
    cidaad ciirsataan waaya waad cirib xumaateene.
    indhihiina caad baan rogay nuurka kaa celine.
    ka gablama caruurtaad dhasheen curadku waa wiile.
    cudur aan nin daaweeya jirin carunka iin dhaafye
    calooshiina caws baan ku guray cudura jaanjaane.
    war caadada sidii naago hela waad cigciganteene.
    carabkaad ku hadashaan rabigay caasha iin mariye.
    cudurkaad ku beerteen ciidayada caafimaad malahe.
    Reer sahal ilaah kama cafiyo camalka shaydaane.
    caqligaa kaluma duul markuu caadilkay rogiye.
    wixii caadilkay laga codsado caadi loo aragye.
    cirka sare waxaan jirin dhulkana cagaha saaraynin.
    cagta haydin mariyeen daduu caadil soo rogaye.

  5. omar said:

    Abwaanada soomaaliyeed wax badan bay ka hadleen damaca xun ee majeerteen iyo siday u yihiin qanjirka xun ee soomaali ku jira.
    abwaanku waxuu yiri:
    waa niman halkii ay tagaan nabad ka dheer tahaye.
    waa niman ku xaasida khalqiga kii la nool abide.
    waa niman kitaab been ah maray kun iyo kow jeere.
    waa niman kadaabnimadii helay koobki loo dhigaye.
    kurtun weeye suul kaawiya iyo nacab ku hoos yaale.
    kufaarta gaalada waqood kama fogaadaane !!!!!!!!
    hadaba markaan qoraaga hadaladiisii akhriyey waxaa ii soo baxay
    anoo abwaan soomaaliyeed ah inay salka ku hayso munaafaqad majeerteen waa tii abwaan kale yiri.
    Ma munaafaq baad tahay sidii oday majeerteena.
    Maxamuud saleemaan miyaa macalinkaadii ah.

  6. Sheegoow said:

    Asc waxaan si qaas ah u salaamaya Bahda Duhur.com Qaas ahaan walaalkey Mukhtar Katiitow! Marka xiga Khoraaga waxaa iiga mukhato inuu xogbadan uruurshay wuxuuna iftiimiyay wax badan oo daah saarnaa.Wax yaabaha aan la yaabaya waxeey tahay waxaan arkay rag waa weyn oo leh madaxweynaha waa inuu magacabaa Gudi u xilsaaran guryo isu celinta,ma aqoon daree ka tahay ma qasbeey ka tahay ma maangaabnimaa waanba garan waayay? Sababtoo,ah wixii cadaallada quseeyo waxaa xaq u leh Garsoorka Maxkamadaha Hool madaxweyne ma ahan! Teedakale waxaa kasii daran wax eey doonayaan in lasiiyo waxaaa weeye hantidii qaranka lahaa sababtoo degaanka uu qoraaga kusoo xusay kor ayeey ku doodayaan in lasiiyo waana wax lagu qoslo. Walaahi maanta waxeey u egtahay cidii qabyaalad Dib ugu noqote in eey iyada uun ku dhibqabto. Allihow dad caafimaad qaba iyo Dal-Nabad ah!!!!

  7. Mukhtar said:

    Asalaamu Calaykum Waraxmatullahi Warakaatuhu

    waxaan kuleeyahay walaalkay GAlayr

    Camacaafimaad qabtid waxa aad ku eedaynayso SAHAL

    Sida aad ufasirtayna Maha

  8. ibrahim said:

    Waxa aan salaamaayaa mawadinkan soomaaliyeed .mr-galeyr.aad iyo aad ayuu umahadsanyahay waa mawaadin somalinimadu ku weyntahey, xogbadana u ruuriyey,tilmaameyna ,in aan soomali maanta u baahneyn dulmi iyo sad bursi, mana jirto sida uu galeyr sheegey ,xaqdaro lagu hayo sahal– sahal–kuwa ku doodaya in quryo laga heysto– waxaan weydiin lahaa. muqdisho–1969–inta ay la ekeed waan ognahay–mawaxey dhisteen guryaha 21 kii sano ee siyaad bare? yaa guri yeelankara..in aad ka dhaxasho waalidkaa waa wax lagartey !!!!! reer sahal –guryaha-ay sheegyaan in laga heysto. ma waxey dhisteen kuligood 21 sano ee siyaad bare? markii ay xamar yimaadeen -reer sahal imisa ayey jireen? kudar dada ay jireen 21 sano ee siyad bare..kudar..21 sano ee bur burka –inmisa ayuu jraa hada qofka sheeganaya in uu guri ka maqanyahay? dada-qof guri yeelan karo waa dadee??? ayaan weydiin lahaa reer sahal—mahdasanid galeyr-