July 26, 2017 | Posted by admin

Mooshinka la horgeeyey Kongareeska ayaa qeexayey in Madaxweyne Donald Trump uusan khafiifin karin cunaqabateyntii horey xukuumadii Obama u saartay Ruushka, isla markaana cunaqabateyn dhaqaale oo horleh lasii saaro Ruushka, si jawaab looga dhigo faro gelintii Moscow ku sameysay doorashadii sanadkii hore ka dhacday Maraykanka.

Sharcigan uu Kongareeska ansixiyey ayaa ah mid ka horimaanaya rabitaanka Madaxweynaha Donald Trump oo isagu kasoo horjeeday in cunaqabateyn la saaro Ruushka, isla markaana illaa iyo hada shaki gelinaya in Ruushka uu wax lug ah ku lahaa farogelinta lagu eedeeyey inuu ku sameeyey doorashadii Madaxweynaha.

Xildhibaano gaaraya 419 ayaa codkooda ku taageeray mooshinkan, halkan 3 xildhibaan oo kaliya ay kasoo horjeesteen, inta badan xildhibaanada Xisbiga Trump ee Jamhuuriga ayaa taageeray sharcigan.

Mooshinkan ayaa loo gudbin doonaa Aqalka Sare ee Senateka hadii uu golahaasi ansixiyo wuxuu usii gudbi doonaan saxiixa Madaxweynaha, balse Trump ayaan weli sheegin inuu adeegsan doono awoodiisa [Veto] oo uu ku qaadici karo sharcigan.

Ruushka ayaa iyagu ka digay dhaqan gelinta sharcigan oo ay sheegeen inuu sii xumeyn doono xiriirka labada dal.

COMMENTS