February 12, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Taliska Ciidamada AMISOM ee Magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday beesha Caalamka inay ku gacan siiyaan la dagaalanka Al Shabaab.

Afhayeeenka Ciidamada AMISOM Paddy Ankunda oo waraysi siiyay warbaahinta Muqdishu ayaa ka codsaday beesha Caalamka inay gacan ku siiyaan la dagaalanka iyo ciribtirka Kooxda Al Shabaab oo dhawaan shaacisay inay ka mid tahay Urur weynaha Al-qaacidda.

Paddy Ankunda ayaa sheegay in ku biiritaanka Al Shabaab ee Al-qaacidda aysan waxba soo kordhin doonin,  isagoo arintaasi ku sababeeyay inay burburtay guud ahaan awooddii Al Shabaab maadaama inta badan Al Shabaab ay isaga baxeen Muqdisho iyo qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka kadib markii ay dagaalo la galeen Ciidamada AMISOM iyo dowladda KMG ah.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM mar la waydiiyay su’aal ku aadaneyd sababta keentay in Al Shabaab ay ka mid noqdaan AL-qaacidda ayaa ku jawaabay in Shabaabku ay soo wajahday dhaqaalo dari islamarkaana ku biiritaankaasi ay ka raadinayaan ilo muhiim u ah dhinaca dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in AMISOM ay ka go’antahay inay xaqiijiyaan ammaanka Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, isagoo tilmamaay in AMISOM aysan ka laaban doonin balan qaadkii ku aadanaa la dagaalanka iyo ciribtirka Al Shabaab, isagoo tilmaamay in ku biiritaanka Al Shabaab ee AL-qaacida aysan saameyn ku yeelan doonin howlgallada ay ka wadaan Muqdisho.

Hogaamiyeyaasha Al Shabaab iyo Al-qaacidda ayaa cajalo maqal ah oo ay isku dhaafsadeen bogga Internet-ka waxa ay Ururka Al Shabaab ay ku sheegeen inay ka mid yihiin Urur weynaha Al-qaacidda islamarkaana ay sii wadayaan howlgallada ka dhan ah dowladda iyo AMISOM.

COMMENTS