April 20, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Oslo – Anders Behring Breivik oo ah  33-jir u dhashalay Norway oo loo heysto dilka 77 ruuxoo uu geystay sanadkii hore ayaa shaaca ka qaaday inuu rabay inuu madaxa a gooyo raysul wasaarihii hore ee wadanka Norway ka hor intii uusan weerarka ku qaadingoobo ku yaalla wadanka Norway bishii July 2011.

Anders Behring Breivik ayaa ka hor sheegaymaxkamada magaalada Oslo oo maalintii saddexaad la horgeeyey si loo dhageystodacwadiisa, in ay fursada u diiday inuu dilo haweeneyda horey raysul wasaaraha uga ahaan jirtay wadankiisa Gro Harlem Brundtland.

“Maalintii aan weeraray Naadiga dhalinyarada ee xisbiga talada haya, waxaan qorsheynayey inaan halkaas ku dilo Gro Harlem Brundtland oo iyada iyo dad kale oo muhim ah meesha iman lahaayeen” ayuu yiri Breivik oo sheegay inay taasi u suuroobi weysay ka dibna uu aaday jasiirada Utoya.

Wuxuu Breivik in uusoo qaatay qori iyo mindi oouu rabay in raysul wasaaraha hore uu rasaas ku toogto ka dibna madaxa ka jaro oo uu haddana film ka duubo si uu internetkau geliyo,sida uu ka hor cadeeyey maxkamadda.

Raysul wasaarihii hore Norway Gro Harlem Brundtl

Breivik mar uu ka hadlay sababta uu weerarka u sameeyey ayuu ku dooday in xisbiyada dalka ka taliya ay dalka keeneen dad fara badan oo ahaaniib ah isagoo sheegay inuu katirsan yahay koox aan horey loo aqoonin oo neceb ajnabiga iyo soo galootiga.

“Waxaan riiday 18 xabadood si aan u dilo 69 ruux hal mar kaliya” ayuu yiri wuxuuna sheegay in sharciyada adag ee ka jira Europe darteed ay u fududaan weysay inuu sameysto miino weyn oo uu dad badan ku laayo.

Qirashada ah inuu Breivik qoorta ka jari lahaa raysul wasarihii hore ee Norway ayaa timid xilli uu shalay maxkamada ka hor dalbaday inay disho ama iska siideyso. Laakiin maxkamada ayaa weli ku wareersan sida laga yeelayo ninka dilaaga ah ee haddana qirsan dhamaan wixii uu sameeyey.

“Waan oghay inaan dad dilay laakiin ma ahi dembiile” ayuu yiri maalintii ugu horeysay ee maxkamada la geeyey isagoo ku dooday inuu 77 ruuxu dilay si uu u difaaco naftiisa iyo wadanka wuxuuna eedeeyey maxkamada raacsan axsaabta siyaasadda.

Waxaa laweydiiyey sida uu u arko dilkii uu kasameeyey jasiirada Utoya oo ah meesha uu ku dilay 69 ruux wuxuu Breivik yiri “Waan qiursanahay wixii kadhacay Utoya, waanau taaganahay, welinawaxaandiyaar u ahay inaan markale sameeyo sidaasoo kale”.

Sharciyaqaanada ayaa sheegayain marka hore la baarayo caafimaadka Breivik oo ay dhici karto in maskax ahaan uu xannuunsan yahay lagana yaabo in dhibaato ka soo gaartay ciyaaraha dagaalka ee Computerka oo uu daawan jiray, haddiise loo arko inuu yahay nin caafimaad qaba ayaa la sheegayaa inuu wajihi doono 21 sano oo xarig ah waayo Norway waxaa laga mamnuucay sharciga dilka.

COMMENTS