September 26, 2016 | Posted by admin

Banaanbax ay ka soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada, loogana soo horjeeday tacadiyada Xabsiyada ku haysta dhallinyarada Soomaaliyeed ee daafaha Caalamka ku xirxiran ayaa Maanta lagu qabtay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguddud

Banaanbaxayaasha oo ay ka mid ahayeen Ehelada dhalinyarada ku xiran Wadanka Hindiya ayaa sheegay in dhallinyaradaasi ay ahaayeen Kaluumaysato, iyagoo sheegay in dayac iyo darxumo ay Xabsiyada ku haysato muddo dheer.

 

Caruuse Macalin Axmed Gudoomiyaha ururka dhallinyarada Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay tahay wax aan la qaadan karin in dhalinyaradaasi ay xabsiyada Dalka hindiya isaga jiraan muddo 5-sano ah, iyada oo aan wax Maxkamad ah la soo taagin.

Dhalinyaradan Soomaaliyeed ee ku xiran Wadanka Hindiya ayaa gaaraya 119-Ruux, kuwaasi oo badankood hal waqti ay Maraakiibta hindidu ka qabteen Badda Soomaaliya 2011-kii, tan iyo waqtigaasna Maxkamad lama soo taagin.

COMMENTS