July 7, 2015 | Posted by admin

Culimada wax ka qortay taariikhdi aduunyada amase akhbaar zamankii hore gaar ahaan intaan Rasuul-keena Abu-Qaasim c.s.w xeerkii lagu soo dajiyey imaan, ayey qoraalo ku sheegeen in waagi hore ay jireen Niman Carbeed oo ku sifoobay wax ka sheega amuuraha sirta cilmiga falaga wareega iyo xidigaha cirka sare gur-guura, oo markay timaado duruufo dul-dulcaynaya sida Col, Abaar, Cuduro ama wax isku murgan ama loo helo qiil lagu kala bogsado, sidaa iyo xagaa Kuhaanada loogu yaaci jiray. kuwaaso wax sheegooda nolosha dadkii carbeed ee waagaas saameyn ku yeelan jirtay, amase wax ku go’aansan-jiray .. Kuhaantaas, faaliyaasha oo waqtigaas lagu bartay wax inta badan is waafaqsan,waxay ahaayeen tiro dhawra, waxaa ugu caan-sanaa Kuhaan la oraan jiray Sadiix oo daawashadiisa guud lagu tilmaamay madax muuqda iyo majo qarsoon ( makhluuq nus ah) lamana sheegin dawga uu u miciin-sanahayey cilmigiisa kuhaan-nimada iyo hadi Dijaal u baaqayey oo duntu ugu xirneyd

Waxaa la sheegay in habeen habeenada ka mida in boqorkii Yaman oo la oran jiray Rubec Bin Nadar u ku riyooday Riyo ka fajicisay argagax leh, oo dhinici dhul dhigi waayey. Waagu marku baryey ayuu yiri: ha laygu yeero inta horseedka ku ah riyo fasirka ee magalada ku sugan. dabeeto markay u yimaaden ayey boqorkii weydiiyeen inu u sheego waxa u ku riyooday si loogu fasiiro, hasa-ahaate boqorkii wuxuu yiri: waxaan fasiraadiina ku aamini-karaa adinkoo marka hore ii sheega waxaan ku riyooday. dabeeto jawaabti ay u celiyeen ayey ku sheegeen in haddi arintu ceynkaas tahay waa in la doonaa Labada Kaahin oo mid yahay ‘Sadiix’ kan kalana yahay ‘Shaq’ oo iyaga kaliya ayaa heerkaa ka jawaabi-kara .. Boqorkii ayaa amray in labadaas Kuhaan ee ku maqan dersaanka degmooyinka kale loo keeno .. waxaa soo hormaray Kuhaan Sadiix oo markiiba boqorka ka hor sheegay inu ku riyooda Daabad (bahal) Madow oo meel mugdiya ka soo baxaysa oo dabadeed dad iyo duunyo dhiigooda miiraneysa .. Boqorkii ayaa isagoo labada dhaban qabsaday oo shanta farood dhafoorka saaray yiri: Sadaqta-waa run oo hadana yiri; raaci fasirka. markaas ayaa Kuhaan Sadiix fasirkiisi ku bilaabay in riyadu la xariirto nin madow oo ka imaanaya dhinaca ardal xabasha oo arliga Yaman mar un qabsan-doona oo dadka xasuuqooda ku talax tagi-doona .. boqorka oo baqdin awgeed indhaha casaadeen ayaa yiri: ma wax dhawaan nagu soo aadan-baa goormayse dhaceysa .. kuhaankii ayaa yiri: kadib 60 illa 70 sano inta u dhaxeysa ayey imaaneysa .. boqorkii ayaa su’aal kale u celiyey oo yiri: ma waligood bey haysan-doonaan arlada Yaman mise cid baa un baacsan-doonta. Kuhaankii ayaa ku jawaabay: haa hoog iyo jab baa ku dhici-doona, oo waxaa ku soo bixi wiil rug-cadaa ah, sharci samaawi dacalka haysta oo xaga Alle ka idman, kana soo jeeda haybta cashiirada reer Qaalib Bin Fahar (Qureysh) kadibna Yaman oo dhan daacad ayey u noqon wiilkaas idman, balse awoodiisa arlada caalamka ku faafi-doonto .. dabaeeto boqorkii ayaa markale su’aal celiyey oo weydiiyey maxa xigi-doona .. markaas ayaa Kuhaan Sadiix fasiiraad dheer bixiyey u ku tilmaamay inu jiri-doono aakhir-saman, qalimada la rafici-doono oo toobad la aqbali-doonin, kutubta la qala-jindoono, qiyaamo kici-doono, la is xisaabin-doono oo jano iyo naar dadku u kala bixi-doonaan .. Mar dambe oo u yimid kuhaanki-faaliyihi labaad ee Shaq ayaa isagiina sidi oo kale qisadi si isku wada mida u wada sheegay

Wax waliba maalin bey leeyihiin iyo saacad uu eebe qoray oo aan horna u soo dhaceyn dibna u daaheyn ee ku socda siddi uu ilaahay ugu tala galay , sidaa daraadeed warkaas Kuhaaninta taariikh ahaan waa Rumoobay oo ciidamadi xabashida qabsatay dalka Yaman si hal-haleela looga saaray oo dabadeed qaateen diinti nabi maxamed c.s.w

Waxaa kalo la sheegay in Boqorkii iiraan(kisra) lagu yiqiin Af taaga uu isaga lafahaantiisa u yeertay labadaas Kuhaan si ay faalka ugu rogaan oo dabadeed daalac iyo naasil u sheegeen in ugu dambeyn arlada boqortooyada iiraan la haraatin-doono duulimaad gurmad lagu qabsan-doono oo waliba amiiro reer boqor tiro yareyn laga duleyn-doono, isla markaa xoolaha iyo dahabka reer boqor lala hardaafi-doono, iyadoo xukunka ay ku dambeyn-doonto Niman Carab ah jidbeysan oo diin xaq ah wata, laakiin boqorkii dhawr jeer ayuu is diidsiiyey warkii Kuhaanada. saas oo ay tahay warkoodi taariikh ahaan waa rumoobay oo xiligi khalifada Cisman bin Cafaan RC ayaa la qabtay Faaris oo boqor-tooyadoodi fitik faatik iyo reer ba’ay laga dhigay

Waxaa la wariyey in Kuhaanka la yiraahdo Sadiix u noola muddo 400 sano, hasa ahaate Kuhaanka magaciisa ah Shaq, sida la qabo waxaa dhalay Bin Xuweyl Bin Iram Bin Saam Bin Nuux c.s.w, waxaana ay qoren inu lahaa hal il kaliya, waxay kalo carbaabeen inu yahay kii dhalay Dijaal oo hadda ku xiran jaziirad bad ku dhex taal, oo quudintiisa iyo qooqiisa waxaa masuul looga dhigay sha’yaadiinta la joogta, illa maalinta alle idmo inu ooda soo jabsado isagoo Aafo ahi ka soo bixi-doona dhinaca Quds.

COMMENTS