February 28, 2015 | Posted by admin

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa inay maarayso amniga caasimada Soomaaliya oo ay wali ka dhacayaan weerarro iyo qaraxyo ay fulinayaan dagaal-yahanno ka tirsan al-Shabaab.

Xilligan waxaa socda dajinta qorshe cusub oo lugu sugaya amniga Muqdisho,sida lugu sheegay war ka soo baxay wasaaradda amniga dalka oo dadaal xooggan ugu jirta sidii looga guulaysan lahaa tiro yar oo ka mid ah dagaallamayaasha al-Shabaab.

Qorshahan ayay wasaaraddu ku sheegtay inay tahay mid lagu baarayo goobaha gancsiga ah ee garaka loo leeyahay iyo hoteellada si amniga guud ee caasimadda loo adkeeyo.

Arrintan waxaa ay ka dambeysay kaddib markii toddobaadkii hore ay ka dhaceen caasimadda qaraxyo lala beegsaday hoteel ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka Xukumadda Somalia, Ridwaan Xaaji Cabdiweli sheegay in baaristan ay saameyn ku yeelan doono shacabka, sidoo kale shacabka iyo xubnaha ka tirsan dowladda looga baahan yahay inay dul-qaad sameeyaan inta baaristu socoto.

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dhowrkii sanno ee ugu dambeysay la harjadayay amniga Muqdisho.

__

COMMENTS