April 29, 2017 | Posted by admin

War-qoraal oo ka soo baxay Hay’adda Amnesty International ayaa loogu baaqay Maamulka Puntland inay sida ugu dhaqsaha badan u joojiyan qorshaha ay ku doonayaan inay ku dilaan dhallinyaro aad u yar oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab.

Hay’addu waxay kaloo sheegtay inay ogaadeen in Maamulka Puntland maalmaha soo socda xukun dil ah ku fulin doonaan  2 wiil oo lagu kala magacaabo Maxamed Yaasiin oo 17-jir ah iyo Daa’uud Salad Sahal oo 15-jir ah.

Amnesty International waxay sheegtay inay Maxkamad Milliteri ay bishii February ee sannadkan 2-daasi wiil ku xukuntay dil, iyadoo lagu soo oogay inaydoor ku lahaayeen dilkii 3 Sarkaal oo ka tirsanaa Maamulka Puntland.

Ku-xigeenka Agaasimaha Amnesty Inteernational ee Bariga Afrika, Michaelle ayaa sheegtay in 5-ta wiil ee 3 ka mid ah la dilay lagu sameeyey jirdil, si ay u qirtaan Kiisaska lagu soo oogay.

Qaar ka mid ah Qoysaska Wiilashaasi ayaa u sheegay Amnesty International inay Wiilashaasi beeniyeen inay ka tirsan yihiin Alshabaab, balse lagu sameeyey jir-dil, sida koronto lagu qabtay, sigaar looga gubay xubnaha Taranka iyo in si aad ah loo garaacay.

Dhinaca kale, Qoraal uu Ururka Midowga Europe soo saaray Khaamiistii  la soo dhaafay ayaa waxay walaac xooggan ka muujiyeen xukunadda dilalka ee ku soo badanaya dalka Somalia.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].


 

COMMENTS