July 22, 2014 | Posted by admin

Ciidanka Jamhuuriyada Jabuuti, ayaa waxay xoojiyeen ammaanka guud ee dalkaasi Jabuuti, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaaya suurta galnimada weeraro argagaxiso, oo ka dhaca dalkaasi.

Mareykanka waxa uu bishii hore ee June uu ka digay weeraro cusub oo ay Shabaabku ka geystaan Magaalada Xarunta ah ee Djibouti, waxayna dhigoodu ugu yeereen inay muujiyaan feejignaan ka dhan ah Shabaabka.

Ciidamada Jabuuti, ayaa waxaa la sheegayaa in toddobaadkaan la heegan geliyay, si looga gaashaanto weeraro argagaxiso, oo kaga yimaada Ururka Al Shabaab.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta, ayaa tibaaxay inay diyaar u yihiin ka hortagga weerar argagaxiso, oo ka dhaca Jabuuti.

Wasiirka waxa uu Shababaku ku eedeeyay cadow diidan xasiloonida dadka Somaliyeed, xilli Jabuuti ay u istaagtay wax ka qabashada xaalada amni daro ee Somaliya ka jirta.

Shabaabku waxay ku hanjabayaan inay weeraro ka geysan doonaan dalalka Afrikada Bari, ee ay Ciidamadu ka jooggaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya.

COMMENTS