July 5, 2014 | Posted by admin

Cabsida weerarro ka dhaca dalka Uganda ayaa isi soo taraya waxaana xilligan la adkeyna amniga magaalooyinka waa weyn ee dalka,iyadoona howlgallo ay wadan laamaha amniga ee Uganda.

Howlgal ay fuliyen ciidanka ammaanka ayaa waxaa lugu soo qabtay laba qof oo looga shakisan yahay inay qorshaynayeen weerarro argagixiso oo ay ka fuliyaan dalkaas.

Waxaa la sheegay in labada qof oo midkood u labbisnaa sida dumarka lugu qabtay xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Kampala, sida uu sheegay Patrik Onyango oo af-hayeen u hadlay booliska Uganda.

Dadka waxaa gacnta ku dhigay sida uu sheegay afhayeenku ciidanka la dagaallanka argagixisada uuna ku socdo baaritaan.

Howgallada iyo dadka la qab qabtay waxaa ay ku soo aadaya xilli dhawaan safaarada Maraykanka Uganda ay ka digtay weerarro argagixiso oo lagu qaado garoonka diyaaradaha Entebe ee magaalada Kampala.

COMMENTS