November 9, 2017 | Posted by admin

AMISOM ayaa War Rasmi ah Ka soo saartay Sababaha Loo xiray Shaqooyinkii Ka socon jiray Xerada Xalane, Waxaana ay sheegtay in ah Xireen Howlahaas 9-13, November
2013-ka.

Qoraalka Waxaa Ugu Muhiimsanaa:
1. AMISOM waxaa ay sheegeysaa in baaritaan
xagga amaanka la xiriira ka sameyn-doono
Kaamka 5-taas maalmood, iyada oo la
adeegsan-doono tillaabooyin dheeraad ah
sida Bandow la soo rogo, Eeyo wax baara
iyo isbaarooyin ama Checkpoints.

2. Dhammaan dadka halkaasi u shaqo-tagi jiray
waxaa loo sheegayaa in ay u hoggaansamaan
xayiraadda, waxaa la kale oo Kaamka laga
mamnuucay shaqada dhismaha, ganacsiga,
Airportiga, dhaqista gawaarida iyo
dukaameysiga.
Inta uu bandowga ama howlaha ammaanka
socdaan waxaa safaaradaha, shaqaalaha
Ajaanibta, qandaraaslayaasha, shirkadaha,
dukaanleyda lagu war-gelinayaa:
In ay xisaabiyaan gawaarida(yar iyo weyn) ee
ku jira gudaha Kaamka, sidoo kale waa in
gawaarida taarkada cusub lagu dhaji-yaa
sanadka 2018-ka.

Shirkadaha waa in ay keenaan xogta ugu
dambeysay ee shaqaalaha maxaliga iyo kuwa
caalamiga ah iyada oo la soo raacinayo
shahaada( good of conduct) dalalka ay ka
soo jeedaan
Hotellada Waa in ay soo gudbiyaan liiska
macaamiisha , qolalka ay degan yihiin iyo
wax ay qabtaan si maalinle ah.

Waa in AMISOM loo ogolaado in ay baarto
guryaha iyo dhammaan dhismayaasha iyada
oo la adeegsanayo Eeyaha qaraxyada baara
si hubka iyo waxyaalaha qarxa ee qarsoon
loogu raadiyo.

Waa in la joojiyaa dhammaan wixii shaqo
inta bandowga socda xittaa haddii horay loo
sii ballansanaa.

Cadeyn ka keen Unifomka, IDyada iyo
qandaraaska kaas oo laga arki karo magaca
shirkadda si loogu dabagelo dhib la’aan.

3. Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Kaamka
ka dhex-sahaqeeya waa in ay soo gudbiyaan
liiska hubkooda iyo licences-ka lagu
diiwaangeliyay, waxaa laga soo qaadaa
dowladda federaalka ah.

Qoraalkan waxaa lala socod-siinayaa oo la
geeyaa Sector 1 gaar ahaan xafiiska sirdoonka,
inta uu socda bandawga.

Dhammaan dadka howshan ay khuseyso, waxaa
lagu wargelinayaa in ay u hogaansamaan
maadaama aan shaqaale iyo gawaarida xamuul
aan la ogaan-doonin dhammaan waddooyinka
ama ka baxa Kaamka.

4. Shaqada waxaa ay dib u bilaaban-doontaa
13-ka November marka dib u eegis lagu
sameeyo in shaqada lagu guuleystay.

Maxamed daacad Muqdisho.

Mxuseen973@gmail.com

COMMENTS