April 15, 2018 | Posted by admin

AMISOM oo soo rogtay amar ah in aan gudaha loo galin karin xarunta Xalane

Wararka naga soo gaaraya xarunta xalane
ayaa sheegaya in howlgalka midowga Africa AMISOM uu soo rogay amar ah in aan gudaha loo galin karin xarunta Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ciidamada midowga Africa.

Xarunta Xalane ayaa sidoo kale saldhig u ah safaaradaha shisheeye iyo hay’addaha Qaramada Midoobey intooda badan waxaana ku yaala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Lama oga sababta ka danbeysa amarkan laga soo saaray dhaqdhaqaaqa xarunta Xalane laakiin waxaa loo maleynayaa in uu salka ku hayo arrimo la xiriira dhinaca Amniga.

COMMENTS