December 28, 2012 | Posted by admin

-Ciidamada AMISOM ee howlgallaka u jooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay qaarijijiyeen rag ka tirsan Al-shabaab isla markaana ay ku dileed deegaano hosotaga gobolka Sh/hoose.

Taliyaha Ciidamada AMISOM Michael Ondoga ayaa sheegay in rag ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku soo qaadeen kolonyo ciidamadooda ah oo marayay inta u dhaxeysa degmada Afgooyo iyo Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose.

Michael Ondoga ayaa tilmaamay in dagaalyahanadii weerarka ku soo qaaday ka qasaaro xoogan gaarsiiyeen isagoona sheegay inay ilaa 9-ka dileen islamarkaana ay gacanta ku dhigeen saanad milatari oo ay wateen.

Taliyaha ayaa tilmaamay in saanada Milatari ee ay ka heleen ragaasi ka tirsanaa Al Shaaba ay ka mid ahaayeen 1-hoobiye, bombooyinka gacanta laga tuuro, qalabka ay iskula hadlaan ciidamada iyo qoryo kale.

Horaantii bishan ayay aheyd markii Taliyaha Ciidamada AMISOM Lieutenant Gen Andrew Gutti uu sheegay in Ciidamada Midowga Africa ay qaadayaan talaabooyin lagu qaxiijinayo Amaanka wadada u dhaxeysa Magaalad Marka iyo Lambar 50, isagoo intaasi ku daray in nabad galayada shacabka ay AMISOM muhiimad kowaad siin doonto.

COMMENTS