August 19, 2016 | Posted by daacad yare

Sargaal ka tirsan Ciidamada Midawga Afrika ee Jooga Soomaaliya oo la hadlay Wakaaladda Wararka Shiinwaa ee laga leeyahay Wadanka Shiinaha ayaa sheegay in Weerar ay iska kaashadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ka dhacay Degaanka Cabdalla-biroole ee Gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen Saddex Sargaal oo ka tirsan Al-shabaab.

Sargaalka u hadlay AMISOM ayaa sheegay in Weerar Qorsheysan ay Ciidamada isgarabsanaya  ku qaadeen Degaanka Cabdalla Biroole oo dhanka Koofur Galbeed ka xiga Magaalada Kismaayo ee Xarun Goboleedka Jubbada Hoose.

“Weerarka aan ka geysanay Cabdalla-biroole waxaan ku Qaarajinay Saddex Sargaal oo Muhiimu ah xarakada Al-shabaab,balse weli waxaan qiimeyneynaa Magacyada Saraakiisha ka tirsan Shabaab ee Weerarka lagu dilay”ayuu yiri Sargaalka u hadlay Howlgalka AMISOM.

Hadalka AMISOM ayaa imaanaya Xilli Ciidamada Gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah ay Todobaad ka hor Weerar ka fuliyeen Degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Dhawaana waxaa arimahaasi ka hadlay wasaarada amniga soomaaliya ka dib Shir jaraa’id oo qabtay Afayeenka Wasaarada Amniga Soomaaliya Cabdi Kaamil Macalin Shukri.

COMMENTS