April 8, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Ciidamada AMISOM ayaa faah faahin ka bixiyey hawlgalada ay ka bilaabeen gobolada dalka, waxaana uu sheegay in AMISOM waddo qorshe ay isugu ballaarinayso guud ahaanba gobolada dalka.

Taliyaha xilka laga qaaday ee aan weli wareejin Gen. Fred Mugisha ayaa sheegay in AMISOM ay iminka bilowday hawlgalkii dhanka gobolada ayna wadaan qorshayaal Ciidamada lagu geynaayo gobolada dalka.

Gen. Fred Mugisha waxa uu tilmaamay in Ciidamada AMISOM loo samayn doono afar saldhig oo waa weyn kuwaasi oo ay ka kala hagaayaan hawlgalada la qorshaynaayo in gobolada laga bilaabo.

Saldhiga koowaad ayaa waxa uu sheegay in laga dhigi doono magaalada Muqdisho oo ay iminkaba ka hawlgalaan Ciidamada AMISOM.
Saldhiga labaad ayaa waxa uu sheegay in laga dhigi doono magaalada Beledweyne halkaasi oo dhowaan la geyn doono Ciidamada AMISOM gaar ahaana kuwa ka socda Jabuuti.

Saldhigga saddexaad ayaa waxa uu sheegay in laga dhigo doono gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo ay hadda kusugan yihiin Ciidamo katirsan AMISOM oo ka kala socda Kenya iyo Sierra Leone.

Saldhigga ugu dambeeya ee afraad ayaa waxa uu sheegay Gen. Fred Mugisha laga dhigi doono gobolada Bay iyo Bakool oo hadda la bilaabay in la geeyo Ciidamada AMISOM gaar ahaana kuwa ka socda Dawladaha Burund iyo Uganda.

Marka uu qorshahaasi hirgalo ayaa waxa uu sheegay Gen. Fred Mugisha in hawlgalka AMISOM ee gobolada uu noqon doono mid u dhaqan gala sida loogu talagalay lagana gaaro yoolka laga leeyahay oo ah in shabaab laga saaro guud ahaanba Soomaaliya.

Fred Mugisha ayaa soo hadal qaaday Ciidamada harsan ee ka kala socda Dawladaha Jabuuti, Kenya iyo Sierra Leone  waxaana uu sheegay in dhowaan lasoo wada dhamaysti doono.

Dawladda Sierra Leone ayaa waxa uu tilmaamay in ay gobolka Gedo keentay Ciidamo hordhac ah iyo saraakiil sahan ah kuwaasi oo qiimayn ku samaynaaya goobaha la dejinaayo Ciidamada cusub.

Dawladda Jabuuti oo balan qaaday 900-askari iminka keentay 200-askari ayaa iyadana waxa uu sheegay in ay maal maha soo aadan soo dhamaystiri doonto tirada Ciidamada ay ku biirinayso hawlgalka AMISOM.

Sidoo kale Dawladda Kenya oo balan qaaday Ciidamo ku dhow 5-kun ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhamaystiri doonto Ciidamada ka harsan tirada hadda joogta gudaha Soomaaliya.

Sikastaba hawlgalada gobolada ee Ciidamada AMISOM ayaa iminka u muuqda kuwo bilowday, waxaana lagu wadaa asbuucyada soo aadan in Ciidamo badan oo AMISOM katirsan la geeyo gobolada dalka qaar.

COMMENTS