April 22, 2012 | Posted by admin

Warsaxaafadeed ay soo saartay AMISOM ayaa lagu sheegay in ay ka qeybqaadan doonaan weerarkii ismiidaaminta ahaa ee bishan afarteedii ka dhacday Tiyaatarka Muqdisho oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 10-qof, halka 30-kalena ay ku dhaawacmeen.

Ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Wafula Wamunyinyi, oo saxaafadda u aqriyay war saxaafadeedka ayaa sheegay in AMISOM ay soo magacowday xubno ka tirsan booliska AMISOM kuwaas oo gacan ka siiya dowladda KMG ah, baaritaanada qarixii tiyaatarka Muqdisho.

Wuxuu sheegay in guddiga AMISOM ay sameesay uu yimid kaddib codsi uga yimid Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, qarixii tiyaatarka Muqdisho oo ay sheegatay masuuliyadiisa Al-Shabaab, ayaa waxa uu noqday mid tuhun weyn ku fura dowladda KMG ah, iyadoo jawaabo la isku mariyay hawada, waxaana jira dad loo qabqabtay weerarkaas oo ay ka mid yihiin shaqaalaaha xafiiska ra’iisal wasaaraha XKMG ah oo ilaa hadda xiran.

Ma cadda waxa hadda keenay in dowladda ka codsato AMISOM in ay gacan ka siiyaan baaritaanka socda ee ku aadan qarixii tiyaatarka Muqdisho, oo dadka ay ku dhinteen ay ka mid ahaayeen masuuliyiintii ugu sareeyay cayaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha DKMG ah, iyo ra’iisal wasaarihiisa waxay sheegeen inay socdaan baaritaan lagu ogaanaayo cidii ka dambeeyay qaraxaas.

Madaxweyne Shariif mar uu ka hadlaayay qaraxaas, waxa uu yiri: ” Waa dayacaad wasaarada warfaafinta ku yimid iyada ayaana masuulka qaadaneysa wixii ka dhacay Tiyaatarka” laakin wasiirka warfaafinta dowladda C/Qaadir Maxamed Xuseen Jaahweyn ayaa isna yiri:  ” Cid kasta oo Ammaanka quseysa oo uu ku jiro madaxweynaha waa ay la socdeen xaflada ka dhaceysay tiyaatarka”.

Hadalkaas waxa uu dhaliyay isku tuur dhinaca dowladda KMG ah, manna cadda sida baaritaanka hadda socda ay natiijooyin uga soo bixi karaan ayadoo baaritaannada ay ku soo biirtay AMISOM.

COMMENTS