February 17, 2013 | Posted by admin

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war qoraal ah ku cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay maqaayad ku taalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhimatay dhowr kalena waa ay ku dhaawacantay qaraxa oo ka dhashay gaari walxa qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay goob baabuurta la dhigto oo u dhow maqaayadda Lido Sea Food.

Siddeed gaari oo kale ayaa ku burburay qaraxa, oo loo maleynayo inay ka dambeyso maleeshiyada al-Shabaab.

Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa qaraxa ku tilmaamay weerar fulaynimo ah oo lagu bar-tilmaameedsaday dad rayid ah.

“Weerarrada noocan oo kale ah waxay caddaynayaan in kuwa argagaxisada ah aanay daryeeleyn nolosha shacabka Soomaaliyeed. AMISOM waxaa ka go’an caawinta ciidanka ammaanka qaranka Soomaaliyeed si ay u horumariyaan ammaanka muwaaddiniinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Annadif.

Danjire Annadif wuxuu tacsi u diray qoyska iyo saaxiibbada dadka wax ku noqday weerarka wuxuuna kuwa dhaawacmay u rajeeyay raysasho deg-deg ah.

COMMENTS