August 27, 2014 | Posted by admin

Talisyada ciidammada xoogga dalka Soomaaliya iyo nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa wada jir ugu dhawaaqay in ay billaabayaan howl-gal hor leh oo Al-shabaab looga sifeynayo gabi ahaanba dalka Soomaaliya.

Abbaanduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, Gen. Cabdirisaaq Kahliif Cimi ayaa sheegay in howl-galka oo loogu magac daray Badweynta Hindiya ( Indian Ocean) xoogga lagu saarayo furitaanka waddooyinka iyo gaarsiinta gargaarka ay dowladdu ugu talagashay dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.

Gen. Cabdirisaaq ayaa tilmaamay in howl-galka ay ka qayb qaadanayaan dadweynaha ku nool deegaannada ay malleeshiyadu uga sugan tahay dalka, si loo soo afjaro kahor inta aysan abaartu dhibaato gaarsiin bulshada deegaannadaas.

Abaanduulaha ayaa ka codsaday shacbiga Soomaliyeed in ay gacan ku siiyaan fulinta howl-gallo kama dambays ah oo lagu xaqiijinayo xaqa ay ummaddu u leedahay in ay ku noolaato xornimo iyo nabadgalyo.

Taliyaha ciidammada AMISOM ayaa isaguna sheegay in howl-galkani yahay waddada kaliya ee suura galin karta in wax laga qabto dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay gargaar ku gaarsiineyso dadka ay haleeshay abaar ka jirta inta badan gobollada dalka, ayna go’doomisey Al-shabaab.

COMMENTS