February 7, 2013 | Posted by admin

Sida lagu sheegay war saxaafadeeda ka soo baxay Amisom, ciidamada dowlada oo taageero ka helaayay kuwa Amisom ayaa manta weerar kadis ah la beegsaday dagaal yahao ka tirsan Al Shabab oo ku sugnaa gobolka Gedo, iyada oo weerarkaasi lagu baabi’iyay goob ay Shababka ku diyaarinayeen weerar gaadmo ah.

Ciidamada isbaheysiga ayaa weerarka kadis ah ka fuliyay deegaanka Muudaale iyada oo weerarkaasi Alshabab loogu geystay qasaare lixaad leh oo dhimasho ah.

Al shabab ayaa weerarkaasi looga qabsaday afar qori oo AK 47 ah, gaari afar shir ah iyo qalab isgaarsiin.

Taliyaha aaga labaad ee AMISOM, Brigadier Anthony Ngere sayaa sheegay in howl galkan uu meesha ka saaray halis ku soo foorartay dhaqdhaqaaqa dadka rayidka ee ku nool inta u dhaxeysa deegaanada Muudaale and Busaar.

“AMISOM waxaa ka go’an difaaca guulaha xagga ammaanka ee la gaaray si loo xaqiijiyo dhabaha ay heyso Somaaliya ee nabad waarta,” ayuu yiri taliayaha .

COMMENTS