April 10, 2018 | Posted by admin

Al Shabaab ayaa waxa ay shaaciyeen in ay xilkii ka qaadeen Sheekh Xasan Yacquub oo ku magacownaa Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Al Shabaab, islamarkaana xilkasi haayay Shantii sano ee lasoo dhaafay.

Munaasabad ka dhacday degmada Ceelbuur ayay ku sheegeen Al-Shabaab in Sheekh Xasan Yacquub uu waxbadan soo qabtay intii uu xilka hayay.

Sheekh Xasan Yacquub, ayaa waxaa lagu bedelay nin lagu magacaabo Sheekh C/laahi Abuu Khaalid oo ka tirsan masuuliyiinta  Al Shabaab.

Al-Shabaab Ma shaacin xil kale oo loo magacaabay Sheekh Xasan Yacquub.

Dadka kunool Gobolka Galgaduud ayaa si weyn u yaqaana Yacquub oo Muddo badan Al-Shabaab u qaabilsanaa Galgaduud.

COMMENTS