October 11, 2017 | Posted by admin

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday bar koontarool ay ciidamada dowladda ku lahaayeen meel ku dhow Tuulada Basra oo hoos tagta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad ka dhacay fariisinkaas lagu dilay askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in koontaroolka la weeraray ay ciidamada lacago canshuuro ah uga qaadayaan gawaarida isaga kala gooshta Balcad iyo Afgooye.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dileen illaa lix askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda, sidoo kale askar kale ku dhaawaceen

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad oo ku aadan weerarka lagu qaaday ciidamada fariisinka ku lahaa agagaarka Tuulada Basra.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS