June 23, 2017 | Posted by admin

Ciidama Ka Tirsan alshabaab ayaa Maanta weerar xoogan ku qaaday Deegaanka Biya Cade oo Ka tirsan Gobalka Sh/dhaxe.

Wararka aan ka helayno Halkaas ayaa sheegaya in Alshabaab maanta  11:00 barqanimo ay weerar xoog leh ku soo qaadeen Suuqa ku yaala Halkaas oo Xoolaha Lagu iibiyo.

Hal askari iyo qof shacab ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen  Weerarkaas, Waxaana sidoo kale la sheegay in 5 Qof ay ku dhaawaceen oo shacab ah.

Raga Soo weeraray deegaanka Biya Cade ayaa la tilmaamay in ay Wateen Gaari Hoomay ah.

Dadka  dhaawacmay ayaa la soo gaarsiiyay isbitaalka Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhaxe.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS