October 18, 2016 | Posted by admin

Weerar ku Bilowday Qaraxyo ayaa Goor dhaw lagu qaaday Xarun Ciidamada AMISOM  ay ku leeyihiin Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha  Hoose.

Weerarka oo ahaa Isqarxin ayaa la sheegay in lagu dhuftay Iridka Xarunta Ciidanka Burundi ay ku leeyihiin Degmada Afgooye gaar  ahaan meel u dhaw Buundada Degmada Afgooye.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa Dagaal kula wareegay Saldhiga Degmada Afgooye iyo Qeybo ka mid ah Magaalada Afgooye.

La soco Faah faahinta .

Maxamed daacad Muqdisho.

COMMENTS