January 22, 2017 | Posted by admin

alshabaab-training

AlShabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada dilka Taliyihii Ciidanka Booliska ee Gobolka Shabellaha Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye, kadib bambo gacmeed xalay lagu weeraray hoygii uu ka deganaa Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ee Magaalada Jowhar.

War Shabaab ay ku soo qoreen baraha interneetka ay ku faafiyaan Wararka alshabaab ayay ku sheegeen xoogag iyaga ka tirsan in ay Falkaasi geesteen.

Sidoo kale Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in ay in badan doon doonayeen, kuna raad joogeen Khaliif Cabdulle Carfaaye oo ahaa Taliyihii Ciidanka Booliska ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Taliyaha, ayaa xilligii bambada lagu weeraraaayay ku sugnaa barxadda hoygiisa, waxaana sidoo kale Taliyaha la geeryoodey mid ka mid Askarta Ciidanka, oo lagu sheegay in uu ka mid ahaa ilaaladiisa.

Tiro ka mid ah ilaaladii Taliyaha, ayaa sidoo kale ku dhaawacantay qaraxaasi, kuwaa oo loo qaaday goobaha caafimaadka ee ku yaala Magaaladaasi Jowhar.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected]

COMMENTS