November 24, 2014 | Posted by admin

Baraha Internet-ka Alshabaab ayaa lagu baahiyey in ciidamo ka tirsan ururkaas ay gacanta ku dhigeen doon la sheegay iney sahaay u siday ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Baraawe.

Inkastoo war rasmi ah uusan kasoo bixin Alshabaab, hadana baraha Internet-ka ee ay leeyihiin lagu qoray in ciidamada badda Alshabaab ay gacanta ku dhigeen dooni ka sharaacatay magaalada Marka oo Maandooriyaha Khaadka iyo raashin u sidday ciidamada AMISOM iyo kuwa DF-ka ee Baraawe ku sugan.

Ma jiro war intaas ka faahfaahsan oo laga helay doonta la sheegay in Alshabaab ka qabsadeen biyaha badweynta Hindiya ee u dhaxeeya Baraawe iyo Marka.

Alshabaab ayaa ku sugan deegaano aad ugu dhow degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo iyaga horay looga saaray.

COMMENTS