February 19, 2017 | Posted by admin

Warbaahin Alshabaab ayaa Daabacday in tiro madaafiic ah lagu garaacay saldhigyo Ciidamada Maamulka Puntland ka sameysteen duleedka magaalada Boosaaso.

Saldhigyada Puntland ee madaafiicda lagu garaacay ayaa ku kala yaala deegaanada Af-urur iyo Galgala oo labaduba ah deegaano hoostaga magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari sida alshabaab ay sheegteen.

Idaacada Andalus ayaa baahisay in labada saldhig ee deegaanadaasi lagu garaacay mid 10 madfac taasi oo sababtay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo ciidamada Puntland soo gaaray.

Dhowr todobaad ka hor ayeey aheed markii sidoo kale madaafiic lagu garaacay saldhiga deegaanka Af-urur lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaay maamulka Puntland.

Maamulka Puntland wili ma aysan ka hadal warka ka soo baxay alshabaab oo ku aadan sheegashada duqaynta ka dhacday Gobalka Bari.

COMMENTS