January 14, 2013 | Posted by admin

War goor dhaweyd ay bahiyeen baraha warbaahinta Alshabaab ayaa lagu sheegay inuu geeriyooday askari Faransiiska looga qabtay dagaalkii Buulo-mareer oo dhaawac ahaa.

Alshabaab ayaa sheegay in qeybaha caafimaadka ee iyaga taabacsan isku dayeen daryeelka askariga, balse lagu guul dareystay, sida warka loo dhigay.

Barta Alshabaab ee warkaan baahisay ayaa sheegtay in Xafiiska Warfaafinta ee Xarakada Alshabaab uu baahin doono sawirada askariga geeriyooday iyo aqoonsiyadiisii.

Afhayeenka howl galada Alshabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa u sheegay Reuters in askariga labaad ee Kumandoska uu u dhintay rasaastii la is dhaafsaday howl galkii Buulo Mareer.

“Askariga labaad ee Faransiiska waxaa uu u dhintay rasaastii uu ku dhawacmay, waxaa soo bandhigi doonaa meydadka labo askari Faransiis ah” ayuu yiri Abuu Muscab.

Faransiiska ayaa qiray weerarkii ay ku qaadeen deeganaaka Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose looga dilay 1 askari, mid kalana la’ayahay, kaasoo Alshabaab sheegeen iney gacanta ku dhigeen isagoo dhaawac ah.

COMMENTS