March 8, 2012 | Posted by admin

DUHURRoon-nirgood: Xarakada Alshabaab ayaa sheegay iney lacago shilin Soomaali ah oo aad u fara badan ka heleen beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyaha maamulka Alshabaab ee Shabeellaha Dhexe Sh. Yuusuf Sh. Ciise (Koba-ku-tukade) ayaa sheegay in beesha Da’uud oo kasoo jeedd beesha Abgaal ay Alshabaabka Shabeellaha Dhexe ku taageereen malaayiin lacago shilin Soomaali ah si loogu kaashadao dagaalka Alshabaab cadowga kula jiraa sida uu hadalka u dhigay.

Alshabaab ayaa sheegay in lacagta uga timid beesha Daa’uud ay kula dagaallami doonaan sida ay yiraahdeen gumeysiga Itoobiya iyo Kenya ee kusoo duulay dalka muslimka ee Soomaaliya.

Munaasabadda lacagahan lagula wareejiyay Alshabaab ayey sheegeen iney ka dhacday degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Sheekh Yuusuf (Kaba-ku-tukade) oo socdaal ku maraya Ruun-Nirgood ayaa sheegay inuu lacag dhan 500,0000 (Shan Boqol Milyan shilin Somaali ah” ka gudoomay beesha Daa’uud.

Ma aha markii ugu horreysay ee Alshabaab sheegaan in qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ay ku wareejiyeen hub iyo dhaqaale ay kula dagaallamaan dhinacyada kasoo horjeeda.

COMMENTS