September 25, 2016 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya Degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ay xalay Kooxa hubaysan oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay degmadaasi ay ku dileen Ma’suul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa xalay waxa ay dileen gudoomiye ku xigeenka qorshaynta iyo dib u dhiska degmada Marka Xuseen Maxamed Axmed.

Gudoomiyaha ku xigeenka la dilay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa madaxda ugu caansan degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose , waxaana xilkaasi u magacaabay maamulka Koonfur Galbeed dhawaan.

Magaalada Marka ayaa waxaa ka jirta xaalad kacsan ,waxaana gacan ku heynta degmadaasi isku badbadala ciidamo ka kala tirsan labada dhinac.

Maxamed daacad muqdisho.

COMMENTS