January 20, 2017 | Posted by admin
Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office  on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Berlin, Germany – November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Antonio Guterres,  oo ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxa uu sheegay in carruur badan oo soomaaliya ku nool ay Al-shabaab ku qasbaan in ay askareeyaan, si ay uga qeyb qaataan Dagaalka ay kula jiraan Dowladda Federaalka iyo AMISOM.

Waxa uu sheegay Dagaalkii Shabaab iyo Ciidanka Puntland bishii March 2016 ku dhexmaray Degaanada Puntland Askarta Shabaab ee Dagaalka ku jirtay 60% in ay ahaayeen la heystayaal caruur ah.

Sidoo kale Antonio Guterres,  oo ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ayaa waxa uu sheegay caruurta Shabaab ku jirta ee Dagaalka lagu qasbo in laga soo wado Dugsiyada iyo sidoo kale Iskuulaadka waxbarashada, xilligaas oo waalidkii dhalay ay u soo dirsadaan waxbarasho.

Warbixinta xoghayaha ayaa sidoo kale sheegeysa in carruurta Shabaab ay Dagaalka ku qasbaan ay gaarayaan da’ ahaan 9-jir, kuwaas oo la geeyo furumaha  hore ee dagaalka, iyagoo xambaarsan hub culus.

Ugu dambeyntii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres, ayaaa ku baaqay in aan Dagaal la gelin caruurta yar yar oo aan maskaxda la bedelin, si uusan u lumin Mustaqbalkooda.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS