December 1, 2012 | Posted by admin

Alshabaab ayaa maanta dagaal dhaba gal ah ku qaaday kolonyo gaadiid milateri ah oo ay la socdeen Abaanuulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya Jen. C/kariim Yusuf Dhegabadan iyo taliyaha howlgellinta, ahna afhayeenka ciidamada milateriga Soomaaliya Jen. Cali Caraaye (Gacmadulle) iyo saraakiil kale oo maalmahan ku sugnaa magaalada Marko ee xarrunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Alshabaab ayaa kolonyada ay la socdeen saraakiishan ku weeray halka loo yaqaanno Buufoow Bacaadka oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, wax badanna aan ka gogeyn Shalaambood.

Wararka ka imaanayaa deegaankaas ayaa sheegay inuu halkaas ka dhacay dagaal hubka culsu la isu adeegsaday oo muddo socday.

Warbaahnita dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kolonyada saraakiisha lagu weeraray meel buur ah oo ku taala deegaanka Buufoow Bacaadka, islamarkaana ay bad qabaan saraakiishii la socotay kolonyadaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in saraakiishu ka war heleen jidgooyada Alshabaab ku sugayaan, islamarkaana goobta loo diary ciidammo si gaar ah u tababaran kuwaasoo jidka ka wareejiyey sida warka loo dhigay.

Weli lamah hayo khasaaraha ka dhashay weerarkaas dhabagalka ah ee Alshabaab u dhigeen saraakiishan ka tirsan ciidamada milteriga Soomaaliya oo ka laabanayey safar ay ku tageen degamada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose, Alshabaana weli kama hadalin weerarkaas iyo wax ka dhashay.

Alshabaab ayaa weerar gaadmo ah dhamaadkii bishii October ee tagtay deegaankaas ku dilay taliyihii guutada 5-aad ee Ciidanka xoogga dalka Jen. Maxamed Ibraahim Gordon.

COMMENTS