April 26, 2017 | Posted by admin

Wararka inaga soo gaaray Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay isaga baxeen Deegaan ka Tirsan Gobalkaasi iyadoona laga qabsaday Deegaankaas.

Deegaanka Al-Shabaab laga qabsaday ayaa waxaa uu ku dhow yahay Magaalada Kismaayo waxaana laagu magacaabaa Janaay Cabdalla.

Deegaanka waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada Dowlada, Kuwa Jubbaland iyo kuwa dowlada Kenya.

Dagaal la’aan ayaa la sheegay in Deegaanka ay uga baxeen Al-Shabaab kadib markii ay ka warheleen in Lagu soo wajahan yahay.

Saraakiil Ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in hadda deegaankaas ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada.

Al-Shabaab oo deegaanka horey u maamulayay Weli wax war ah kama soo saarin ka bixitaankooda deegaanka Janaay Cabdalla.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS