April 24, 2017 | Posted by admin

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Mareereey
Ee Gobolka Shabellah Hoose ayaa waxaa ay
sheegayaan in  Al-Shabaab ay dib u
qabsadeen Deegaanka Mareeray ee Sh.Hoose ka tirsan.
Ciidamada Dowlada iyo Kuwa AMISOM ayaa dib
uga baxay kadib markii Dagaal ay kula wareegeen
Deegaanka Mareereey Maalintii Shalay.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Magaalada
hadda ay tahay mid degan waxaana warar qaar
ay xaqiijinayaan in ciidamada Huwanta ah ay
Afgooye dib ugu laabteen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo ku aadan Ka bixitaanka Ciidanka Dowlada iyo Kuwa AMISOM ay isaga baxeen deegaanka Mareeray.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS