July 28, 2016 | Posted by daacad yare

Dagaalamayaal la rumaysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabab ayaa bur buriyay xarumo isgaarsin oo ku yaala degaanka Fino oo hoostaga magaalada Mandera ee waqooyi bari Kenya.

Taliyaha booliska Lafey ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadaasi.

Waxa uu sheegay inay jirtay rasaas xoogan oo dagaalamayaasha iyo saraakiishii Kenya ee ilaalada ka haysay xarumahasi isgaarsiin ay is dhaafsadeen,waxaanan la ogeyn khasaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Saraakisha ayaa shaki galiyay suurta galnimada weerarka inuu xalay ama saaka dhacay balse waxa ay tilmaameen in goobta ay joogeen saraakiishooda.

COMMENTS