September 27, 2016 | Posted by admin

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa soo bandhigay Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda,kaas oo ay ku qabteen Dagaalkii ka dhacay Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose Sanad ka hor xili halkaasi uu weerar ka dhacay.

Al-shabaab oo Askarigaan ka soo duubay Muuqaal Dhowr Daqiiqo soconaya ayaa sheegay in ay ku qabteen Dagaalkii Janaale ee dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab.

Askariga ka tirsan Ciidanka Uganda ayaa lagu Magacaabaa Masassa M.Y waxaana uu Ciidamada AMISOM ku soo biiray 2009.

Askariga ay soo bandhigeen Shabaab ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dalka Uganda inuu ka shaqeeyo sidii loo sii deyn lahaa islamarkaana uu ka shaqeeyo in laga soo bad baadiyo gacanta alshabaab.

Alshabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay soo bandhigeen askar ka tirsn AMISOM oo Howlgalo ay ku qabteen.

photo_2016-09-26_18-41-43-300x172

COMMENTS