October 7, 2017 | Posted by admin

Allaah unaxariistee waxaa maanta Magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay General Cismaan Sheekh Cali badmeceeye oo 05/10/2017 Ku dhintay Wadanka Mareykanka Saakana Meydkiisa laga soo dejiyay Garoonka Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.
Waxaana Aaska ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Qeyre gudoomiyaha golaha aqalka Sare C/xaashi cabdullaahi Taliyaha Ciidanka xoogga Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid iyo masuuliyiin kale

Allaah unaxariistee general Cismaan Sheekh Cali ayaa horay u soo noqday Taliyaha Ciidamada xoogga dalka, waxaana lagu aasay Degmada yaaqshiid ee Gobalka Banaadir gaar ahaan Meel aan ka Fogeen Saldhiga degmada yaaqshiid.

Goobta lagu aasay ayaa ah Masaajidka shiikh Xasan Cadde oo ka ag dhaw Schoolka yaaqshiid, waxaana aaska ka dib Madaxdii ka qayb galay ay ku kulmeen Xarunta wasaarada Gaashaandhiga soomaaliya oo Ku taala degmada dayniile.

Maxamed daacad Muqdisho

[email protected]

COMMENTS