May 7, 2016 | Posted by daacad yare

wararka ka imaanaya Buuraha Galgala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada Puntland uu ku dhintay qarax miino.

Qaraxan ayaa la sheegay in lala beegsaday askar lugeynayay oo ku socday dhinaca magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhaawacmay askari kale, waxaana qaraxu dhacay xilli uu roob da’ayay.

Meydka askariga dhintay iyo dhaawaca askariga kale ayaa la geeyay magaalada Boosaaso, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay qaraxa miino ee lala beegsaday ciidamada Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa saldhig ku leh buuraha Galgala, iyagoo sanadkii hore ka saaray Al-Shabaab saldhigyo ay ku lahaayeen Buuraha.

COMMENTS