March 9, 2014 | Posted by admin


Kooxda Al-Shabaab ayaa xir-xirtay shan qof oo ka kala tirsan odayaasha dhaqanka iyo ganacsatada degmooyinka Jilib iyo Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.
Goobjoogeyaal ku sugan Jilib iyo Bu’aale ayaa u sheegay Warbaahinta in dadkaas lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin maamulka KMG ah Jubba, laguna xiray saldhigyada degmooyinkaasi.
Dadka ayay maleeshiyadu ka kaxeysatay guryahooda iyo goobahooda ganacsiga.
Xarigga dadka ayaa ku soo beegmay xilli ay xasillooni darro kajirto degmooyinka iyo deegaannada ay malleeshiyada Al-Shabaab uga sugan tahay gobollada Jubbooyinka, kuwaas oo ay ku soo wajahan jihiin dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo looga saarayo deegaannadaasi.

COMMENTS