December 14, 2014 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya deegaanka Raage Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen fariisimo ay ciidanka milateriga deegaankaas ku lahaayeen.

Dagaalka oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa muddo saacad ah socday, sida ay dadka deegaanka ay sheegeen.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare labada dhinac dagaalka ka soo gaaray, hase ahaatee si rasmi ah uma cada, balse dadka deegaanka ayaa ku waramaya inay arkeen meydadka saddex ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalamayay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Raage Ceelle ayaa sheegay in Al-Shabaab ay muddo dhowr jeer ah soo weerartay deegaankaas, tan iyo markii lagala wareegay, iyadoo dagaalkii xalay uu ahaa mid culus.

Al-Shabaab ayaa weeraro habeenkii ku mira deegaanada horay loogala wareegay ee ku yaala Gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana weeraradaas ay yihiin kuwo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Dhinaca kale weerar bambaano ayaa xalay lagu qaaday ciidamo gaadiid saarnaa oo marayay xaafad ka tirsan magaalada Jowhar, iyadoo weerarkaas aan wax khasaare ah ka dhalan, hase yeeshee ciidamada ammaanka ayaa dad dhowr ah qab qabtay, kuwaasoo markii dambe la sii daayay.

COMMENTS
  1. hey, just letting you know that the rss on your site is broken. I was trying to add it to my rss list but it couldn’t work. I had a same problem on my blog, it didn’t work three and then all of a sudden it just worked! I think these issues fix themselves at times, lol. but I thought to let you know. Take care!.

  2. I¡¦ve been exploring for a little bit for any high-quality articles or weblog posts on this kind of area . Exploring in Yahoo I eventually stumbled upon this site. Studying this info So i¡¦m satisfied to express that I have an incredibly just right uncanny feeling I found out just what I needed. I most no doubt will make sure to do not fail to remember this site and give it a glance on a relentless basis.