September 2, 2015 | Posted by admin

Ugu yaraan 19 askari oo ka tirsan AMISOM ayaa dhintay kadib markii maleeshiyada Ururka Alshabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig AMISOM oo ku yaalla magaalada Jannaale ee Shabeellaha Hoose.

Sarkaal sare oo Soomaali ah oo VOA u xaqiijiyay dhimashada askarta AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in tiro kale oo ka tirsan ciidamada AMISOM nolol ahaan ay ku qabteen ururka al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa iyagu dhinacooda sheegtay inay askar badan ka dileen ciidamada AMISOM.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in qiyaastii 4:30 subaxnimo ay kooxda Alshabaab weerarka bilawday, waxayna markii hore isticmaaleen qaraxyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo dhinacyo kala duwan kaga weerareen saldhiga.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay gudaha u gashay saldhiga, iyada oo la maqlayo dhawaaqa rasaasta.

Illaa haatan lama hayo wax faahfaahina oo la xidhiidha khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Bishii June 26-keedii ayay ahayd markii Maleeshiyaadka ururka Alshabaab weerar ku qaadeen saldhig ay lahaayeen ciidamada AMISOM oo ku yaallay magaalada Leego, waxayna goobtaas ku dileen in ka badan 50 askari.

Jannaale iyo Leego, labaduba waxay ka tirsan yihiin gobolka Shabeellada

COMMENTS