July 6, 2014 | Posted by admin

oogasho ayaa lagu soo waramayaa inay ka dhacday magaalada dhanka xeebta ku taala ee Lamu, halkaasi oo Alshabaab bishii lasoo dhaafay ay ku dileen ku dhawaad 60 ruux oo ku sugnaa deegaankaasi.

Hayada masiibooyinka qaranka dalka Kenya ayaa ku sheegtay qoraal kooban in weerarka uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Hindi oo ku dhow magaalada Mpeketoni, halkaasi oo dilal kala duwan horay ay kaga dhaceen.

Saraakiisha amaanka ayaa sidoo kale sheegay inay xaqiijiyeen amaanka goobta weerarka uu ka dhacay, laakiin kama aysan hadlin qasaaraha heerka uu gaarsiisan yahay.

Waxaanan cadeyn qasaaraha dhabta ah ee weerarka ka dhashay, sidoo kale Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaasi oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka xeebta ee dalka Kenya.

Afhayeenka dhanka howlgalada Alshabaab ayaa sheegay inku dhawaad 10 ruux ay ku dileen weerarkaasi ka dhacay meel ku dhow degmada Lamu, isagoo ku sheegay weerarka inuu ahaa mid rogaal celin ah.

Hayada laanqeyrta cas ee dalka Kenya, ayaa ka gaabsatay dhankeeda inay ka hadasho qasaaraha weerarka.

Waxaana weerarka uu ka dhacay meel 15 km u jirta deegaanka Lamu halkaasi oo ahaan jirtay goob ay ku badan yihiin dalxiisayaasha.

COMMENTS