December 19, 2012 | Posted by admin

Kooxda Al-shabaab ayaa tababar u soo xidhay boqolaal dagaalyahano ah oo ay ugu magac dartay Guutada Abuu Yaxya Al-libi oo ahaa Hogaamiyihii labaad ee Kooxda Al-qaacida.

Kooxda Al-shabaab ayaa waxa ay tababarkan ugu soo xidhay dagaalyahanadan duleedka degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku soo bandhigeen dhoola tus balaadhan.

Saraakiisha Kooxda Al shabaab ee ka hadlay munaasabada tababarka loogu soo xidhay dagaalyahanadan ayaa sheegay in guutadan ay ka qeyb qaadan dagaalada ka dhanka ah Ciidamada Dawladda iyo AMISOM.

Sarkaal ka tirsanaa Mucaskarka Khalid Bin Waliid oo ka hadlay goobta kooxdaasi tababarka loogu soo xidhay, ayaa waxa uu yidhi “Guutadan waxay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka xaqa iyo baadilka u dhaxeeya, waxay fulin doonaan hoal galo lagu naafeynayo cadawga ku soo duulay deegaanada wilaayaadka islaamiga”.

Buulo Burde ayaa u jirta magaalada Beledweyn ilaa 115-KM, halka magaalada Jowhar ay dhinaca waqooyi ka xigto 245-KM, halkaasoo dhowaan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Al-Shabaab ayaa hore tababaro ciidan ugu soo gaba gabeeyo dagaalyahano fara badan xeryaha milateriga ee ay ku leeyihiin qaar ka mid ah gobolada dalka, inkastoo ay gacantooda ka baxday magaalooyin muhiim ahaa.

COMMENTS