January 15, 2013 | Posted by admin

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa bogga ay Twitter-ka ku leedahay ku soo bandhigtay galabta meydka askari ay sheegtay in uu ka mid ahaa ciidamadii Faransiiska ahaa ee maalmo ka ah weerarka ku qaaday deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellaha hoose, kaasoo ay tilmaameen in uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Al-Shabaab ayaa xustay in hub iyo qalab uu watay askariga uu gacantooda ku jiro.
Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa goor sii horreysay oo maanta ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in askarigii labaad oo ka tirsan kumaandooska Faransiiska uu u dhintay dhaawicii ka soo gaaray dagaal dhex maray ciidamada iyo Al-Shabaab.

Al-Shabaab waxay kaloo sheegtay in ay go’aan ka gaartay waxa ay ka yeelayaan Denis Allex oo muddo ku dhow afar sano u afduuban, kaasoo ay sheegeen in uu wali nool yahay oo ay hayaan.

Ma aysan sheegin waxa uu yahay go’aanka, balse waxay tilmaamtay in saacadaha soo socda ay shaacin doonto. Dowladda Faransiiska ayaa horay u sheegtay in ay aaminsan tahay in Allex ay dileen kooxihii gacanta ku hayey.

COMMENTS