January 21, 2013 | Posted by admin

Kooxda al-Shabaab ayaa maanta sii deysay 14 oday dhaqameed oo ka mid ahaa 17 oday dhaqameed oo maleeshiyadu ay ku xirtay deegaanka Dirri oo 43 KM u jira degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Cabdi Xasan (Biyo-quute) oo ah sarkaal maamulka Ahlu Sunna u qaabilsan degmada Ceelbuur iyo deegaannada u dhow ayaa warbaahinta  u sheegay in odayaasha la xiray kaddib markii ay ka biyo diideen amar ka soo baxay al-Shabaab kaas oo looga dalbanayay dadka deegaanka inay bixiyaan 220 neef oo geel ah oo maleeshiyada lagu taageero.
Al-Shabaab ayaa sii deynta saddexda oday dhaqameed ee weli xiran ku xirtay shuruud ah in odayaasha la sii daayay ay dadka deegaanka ka soo ururiyaan xoolaha ay maleeshiyadu dalbatay.
Biyo-quute ayaa sheegay in odayaasha lagu xiray xabsi ay maleeshiyadu ku leedahay degmada Ceelbuur.
Odayaasha ku sugan deegaanada Jacar, Bargaan iyo Galhareeri oo dhamaantood ka wada tirsan gobolka Galgaduud ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya iyo maamulka Ahlu sunna inay wax ka qabtaan dhibaatada al-Shabaab ay dadka deegaanka ku hayso.

COMMENTS