December 8, 2012 | Posted by admin

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ee Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamed Xuseen ayaa sheegay in shacabka magaalada Muqdisho ay si weyn uga gaabiyeen la dagaalanka ciidamada dowlada iyo AMISOM iyo taageeradii ay siin jireen mujaahidiinta sida uu yiri.
Cali Maxamed Xuseen oo loo yaqaan (Cali Jabal) ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowlada Somalia iyo AMISOM ay dhibaatooyin iskugu jira dil dhac iyo kufsi ka wadaan magaalada Muqdisho sidaa awgeedna loo baahan yahay shacabku iney kacaan oo dagaalamaan.

“Mudooyinkan shacabka Muqdisho wey ka gaabiyeen taageeradii looga bartay iney la garab istaagaan mujaahidiinta, iyadoo laga warqabo in ciidamada saliibiga ah ee soo duulay iyo kuwa dabalilifka u ah ay maalin walba kufsi, dil iyo dhac wadaan waxaana ku boorineynaa iney kacaan oo cadowga ILAAHAY la dagaalamaan” ayuu intaa ku daray Shiikh Cali Maxamed Xuseen oo aan la ogeyn halka uu joogo.

Al-Shabaab ayaa isaga baxay magaalada Muqdisho bishii Agoosto ee sanadkii hore xili ay gacanta ku hayeen magaalada inteeda badan ka dib markii ay dagaalo culus oo ahaa kuwii ugu xumaa taariikhda ee caasimada ka dhaca ay kala kulmeen ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa AMISOM, iyadoo Al-shabaab ay ka bixitaankaas ku fasireen xeelad dagaal.

COMMENTS