July 20, 2014 | Posted by admin

Ururka Al Shabaab oo si weyn uga biyo diidan jiritaanka Dowladda Federalka ee Somaliya, ayaa xilligaan ku faanay in tartan Qur’aanka Kariimka ah ay ka bilaabeen Magaalada Muqdisho.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in qayb ka mid ah Magaalada Muqdisho, ay shalay galab ka furayn tartanka Qur’aanka Kariimka ah.

Waxa uu sheegay in tartankaan uu socon doono 10-ka dambe ee Ramadaanka, isla-markaana ay ugu suurta gashay, iyadoo aysan waxba kala ogayn buu yiri nimankaan cadowga ah, oo uu kala jeedo Dowladda Soomaaliya.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen, ayaa hoosta ka xariiqay in dadka qaarkii ay ka baqayaan Dowladda Federalka ee Somaliya, xilli uu sheegay inaanay taagnayn meeshii laga baqi lahaa amaba aynaan ahayn wax laga baqaba, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kaloo sheegay in maanta ay Dowladdu noqotay mid ku nabadgeli la’ buu yiri gurigeedii, kadib markii uu sheegay inay weeraro ka geysanayaan dagaal-yahanada Shabaabka, ee ku dhuumaaleysanaaya Magaalada Muqdisho.

Sheekh Cali Jabal oo codkiisa lagu baahiyay barraha Internetyada, ayaa dadka reer Muqdisho ku booriyay inaanay wax baqdin ah ka muujin dhinaca Dowladda Somaliya.

Hadalka ka soo yeeray Cali Jabal, ayaa wuxuu ku soo aadayaa, xilli Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), uu dadka reer Muqdisho ugu baaqay inaanay gabaad siinin ragga ka tirsan Al Shabaab amaba taageersan.

COMMENTS