April 23, 2014 | Posted by admin

Al-Shabaab ayaa waxa ay ku habjabeen inay siiwadayaan dilalka ay ugeysanayaan Xildhibaanada kujira Baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho ku sugan.

Labadii maalin ee aan soo dhaafnay waxaa Muqdisho lagu dilay labo Xildhibaan oo mid gaarigiisa qarax loogu xiray lagu dilay, halka midka kalena shalay lagu toogtay Muqdisho.
Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay inay siiwadayaan dilalka ay ugeysanayaan Xildhibaanada Barlamaanka ku jira.
Afhayeenka guud ee Al Shabaab, ayaa ku goodiyay in ay cagta marin doonaan gebi ahaanba Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo laga duulaayo sida uu yiri, sidii meesha looga saari lahaa waxa uu ugu yeeray asnaamta la caabudo.
Cali Dheere, ayaa dagaal-yahanada Shabaabku ku booriyay in ay kordhiyeen beegsigooda ka dhanka ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, oo uu fadhigoodu yahay Xarunta Somaliya ee Muqdisho.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada waxaa soo foodsaaray walaac dhanka ammaanka ah.
COMMENTS