June 13, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in Madaxwayne Shariif ay ku qasbeen inuu sii joogo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka Al-shabaab ee dhanka howlgalada Sheekh Cabdu Caziis Abuu Muscab oo Shirjaraa”id qabtay ayaa waxaa uu kaga hadlay Shirkiisa dagaal ay ku qadeen Ciidamadooda Degmada Afgooye oo uu sheegay inay Shariif ay ku beegsayeen Meelaha uu ka joogo Afgooye.

Abuu Muscab waxaa uu sheegay in Shariif uu mar hore rabay inuu dib ugu Noqdo Afgooye lakiin waxaa uu ka baqay in Ciidamada Al-shabaab ay dilaan ayuu yiri.

Waxaa uu yiri Madaxwayne Shariif waa uu baqay Markii uu maqlay dhawaqa Risaasta Mujaahidiinta sida uu hadalka udhigay,waxaana uu intaas uu kudaray inuu Misaajid kaga dhuuntay Shariif Ciidamada Al-shabaab oo waaxaa uu ogyahay inaan Masaajidyada weerarin anaga ayuu yiri Abuu Muscab.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa ku tilmaamay in Madaxwayne Shariif uu seexdo Afgooye uu ku doonayay in Gaalada uu tusiyo in Degmada Afgooye ay Ciidamadiisa gacanta ku hayaan lakiin waxaa uu yiri kuma harsan doonaan.

Shariif Sheekh Axmad ayaa saakay Maalintii labaad waxaa ay utahay inta uu joogo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose halkaas oo uu kulamo kula qaadanayay Shalay ilaa xalay Odayaasha dhaqanka Degmadaas.

Booqashada Shariif uu ku joogo Afgooye ayaa waxaa ay kamid tahay olalaha uu ku doonayo inuu Markale ku noqdo Madaxwaynaha Dalka.

COMMENTS