March 18, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Xarakada Al-Shabaab ayaa arrin layaab ah ku tilmaamtay Muuqaal barta Youtube la soo dhigay oo uu soo duubay Abuu Mansuur Al-Amriiki, kaasoo uu ku sheegay in Naftiisa ay qatar ku jirto.

War qoraal ah oo lagu soo dhigay Barta Twitter-ka ee ay leeyihiin Shabaab ayaa lagu sheegay in aysan wax qatar ah ku jirin nolosha Al-Amriiki.

“Baaritaano rasmi ah ayay bilaabeen Xarakada waxayna doonayaan in ay ogaadaan xaqiiqnimada iyo ujeedada ka dambeysa videoga”ayaa lagu yiri qoraalka la soo dhigay Barta Twitter-ka oo Afka English-ka ku qornaa.

“Waxaan u xaqiijineynaa walaalaha Islaamka in nolosha Al-Amriiki inaysan Qatar ku jirin oo aysan Mujaahidiinta iyo walalaha ay xuquuqdiisa iyo walaaltinimadiisaba dhowrayaan”ayaa lagu yiri qoraalka Barta Tiwtter-ka Shabaab lagu soo qoray.

“Xarakada Shabaab Al Mujaahidin waxay ku noqotay layaab cajalada internetka la soo geliyey kaasoo sheegaya in nafta Al-Amriki ay halis u tahay Al-Shabaab”ayaa lagu yiri.

Ilaa iyo hada Afhayeenada Shabaab war rasmi ah arrintan kama soo saarin, laakiin Barta Twitter-ka ayaa ka mid aheyd meelaha wararka ku faafinayeen Iclaamka Shabaab, iyadoo tan iyo markii sanadkii hore la sameeyay Boggan uu noqday midka la soo dhigo howl galada iyo fariimaha Al-Shabaab uga hadlaan dagaalada ay kula jiraan Ciidamada shisheeye iyo Dowladda KMG.

Abuu Mansuur Al-Amriiki oo ka soo jeeda Gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa ka mid ahaa dagaalyahanada hormuudka u ahaa ajaaniibta Al-Qaacida ee ka bar bar dagaalanta Shabaab. iyadoo loo tirinayay inuu ka tirsanaa Saraakiisha sare sare ee Al-Shabaab.

Ma jirin wax faah faahsan oo arrintaas dhaafsiisan, iyadoo muuqaalka uu duubay uu ku baxayay Luqadaha English-ka iyo Carabiga.

Muuqaalkii uu duubay ayuu ku cadeeyay inuu jiray khilaaf dhanka Sharciga iyo Istiraatiijiyada oo ka dhaxeeya Shabaab, isagoo si gaar ah u bandhigay in naftiisa ay taasi halis ugu jirto dhanka Shabaab.

COMMENTS